Waxaa Hotel Maansoor Lagu soo GabaGabeyeey Tababar Socdey Saddex Casho Tababarkaas oo Ku Saabsan Isbedelka Cimiladda

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Mohamed Abdilahi Duale oo uu wehelinayo Agaasimaha Waaxda Fayo-dhowrka iyo Horumarinta Deegaanka Magaalooyinka, Mudane Mohamed Yassin Abdirahman ayaa tababar Sadex Maalmood socday u soo xidhay qaar kamid ah Saraakiisha ka Hawlgala Dawladaha Hoose ee Hargeysa, Burco, Borama, Berbera, Ceerigaabo iyo Gabiley.
Agaasimaha Guud ayaa Saraakiishaasi kula dardaarmay in ay weeleeyaan isla markaana ku dabaqaan shaqooyinkooda waxyaabihii ay ku qaateen tababarka.
Sidoo Kale Agaasimuhu wuxuu Mahad-naq balaadhan u jeediyey Cilmi-baadhe Mohamed Sulieman Bille oo ah Khabiirka tababarka bixinayay, kaasi oo ku xeel dheer Culuumta Isbedelka Cimilada, Saadasha Hawada iyo Deegaanka.
Ugu dambeyn, waxa uu Agaasimuhu shaqada ay hayaan ee Dhinaca Horumarinta iyo Awoodsiinta Dawladaha ku amaanay Waaxda Fayo-dhowrka iyo Horumarinta Deegaanka Magaalooyinka ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL.