Dhirtu waa Lafdhabarka Nolosheena aan Badbaadino

 

Dhirtu waa dhaxal ubadkeena aan dhowrno. Dhirtu waa lafdhabarta nolosheena, waana dhaxalka ubadkeena muwaadin yaan la dhayalsan hana dayacin.

Faaiidooyinka dhirtu inoo leedahay lama tiring karo hadeynuse waxka taataabano waa sidan:

 

  • Dhirta nolosheenu waxay u quudanaa si toos ah iyo si dadban labadaba:
  • Waxaynu cunaa midhaha kasoo ga’a dhirta
  • Waxaynu cunaa xoolaha ku nool dhirta
  • Dhirta waxynu ka sameysanaa hoy ama guri
  • Dhirta waxynu ka dhiganaa dugsi
  • Dhirta waxaynu ka helnaa hadh
  • Dhirta waxaynu ka helnaa hawada aynu neefsano(oxygine)
  • Dhirtu waxay nuugtaa kaarboonka jidhkeenu dibada isaga saaro
  • Dhirta waxynu ka helnaa dawo
  • Dhirtu waxay ilaalisaa ama ay hu u tahay dhulka ama ciida, meeshu hadey dhir leedahay ma nabaadguurto (waxay ka hortagtaa nabaad guurka)

Haddaba, Muwaadin Dhirtu waa aas aaska nolosheena, la’aanteed nololi masuuro geli karto, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in aynu ilaashano dhirta qoyan. Isla markaana aynu xoog saarno sidii loo beeri lahaa dhirta.

____________________________________________________________________________________________________
Farintan waxaa kusoo gudbineysaa Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Waaxdeeda Dhirta iyo Daaqa.