MUWAADIN KU ILAALI DUUR-JOOGTA DUURKEEDA

Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga waxaa ay kugu wacyigalineysaa muwaadin Faaidada ay duurjoogtu inoo leedahay taaso ka mid ah khayraadka EEBE  inagu galadey. 
  1. Duurjoogtu waxaa ay ka mid tahay Hantida Qaranku leeyahay iyaddo aan cidnaa gaar u sheegan karin.
  2. Duurjoogtu waxaa ay abuurta   fursado Dhaqaale iyaddo soo jiidataa indhaha Dalxiisayaasha  Badan oo Dalka Yimaada.
  3. Duurjoogtu waxaa ay bilic iyo qurux u tahay Deegaanka aynu ku nool nahay iyaddo ka qayb qadata isku dheeli tirnaanta  Degaanka.
  4. Duurjoogtu  oo la dhowro Waxaa door weyn ku leedahay  ilaalinta iyo kala duwanaasha noolaha.
Haddaba,muwaadin waaxaa EBBE qur'aanka inoogu sheegay  "IN AADANAHAA U  XILSAAREY IN UU   ARLADA SI XILKASNIMO U MAMUULO UNA CAMIRO XUMAHANA KA DHAWRO KUTAKRIFAL HABOON IYO TASHIILIN  SAMEEYO MARKA U ADEEGSANAAYO KHAYRAADKIISA KALA DUWAN"

Waxaa sharciyan maamnuuc ah Ugadhsiga, Qabashada, waxyeeleynta,iyo dilida qaybaha kala duwan ee Duurjoogta, sida uu mamnuucaya  xeerarka illalinta Duurjoogta iyo Kaymaha qodobadiisa 18,19,27,28, sido xeerkani waxaa uu ciqaabayaa ama ganaaxa adag saarayaa dadka kala dilaala,kuwa ka ganacsada, iyo rugaha ururiya ee soo bandhiga ugaadha si ay macaash uga helaan.

Muwaadinka ama muwaadiniinta ka warhelaa ugaadhsiga ka socda meel ka mid ah Dalka  waxaa uu  Xeerka Duur-joogta iyo kaymaha u farayaa inay soo wargaliyaan xafiiska ugu dhow ee Hay'adda ku  shaqo leh. 
__________________________________________________________________________________________________________________________________________________
FARINTAN WAXAA SOO GUDBINAYAA WASAARADDA DEEGAANKA IYO HORUMARINTA REER MIYIGA WAX DUUR-JOOGTA QAABILSAN.