Agaasimaha Guud ee WD&IC Ayaa Xafiiskiisa ku qabiley Wakiilka Xafiiska Horumarinta Qaramadda Midoobey ee UNDP Lionel Laurens

Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada JSL, Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale oo ay Weheliyaan Agaasimayaasha Waaxaha Qorsheynta iyo Maamulka Iyo Lacagta iyo khuburo kale ee Wasaaradda ayaa kulan la Qaatay Wakiilka Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP Mr. Lionel Laurens.
 
Kulankan ayaa Laga wadahadlay Mashaariicda Haayada Qaramada Midoobey ee UNDP ayaa Sanadihii u Danbeeyey kala Shaqayneeysay Dawlada Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Deegaanka Iyo dardargelinta Kuwa Socdo loona Bilaabi lahaa Mashaariicda Cusub ee Wasaaradda Deegaanku Dooneyso in Wax laga qabto iyadoona Agaasimaha Guud ku dheeraaday Muhiimada Mashaariicdani u leeyihiin Somaliland gaar kuwa Quseeya Deegaaanka Masuuliyiinyta ka Socday Haayada UNDP ayaa Agaasimaha uga Mahad celiyey Sida Wanaagsan ee uu Warbixinta uga Siiyey Mashaariicda Haayadu kala Shaqeysay Wasaaraadda Deegaanka iyo sida Masuuliyiinta Wasaaraddu Wax ka Qabashada Dhibaatada Deegaanka deedaalka Dheeraadka ah u Geliyeen ugana Shaqeeyeen Sidii Mashaariicdani uga Hirgaleen Somaliland, Waxay Balan Qaadeen inay Wasaaradda Kala Shaqeyn doonaan Qorshayaasha Agaasimaha Guud la Wadaagay ee Wasaaraddu dooneyso in Wax lagala qabto.
 
Kulan ayaa kusoo Dhamaaday Isfahan iyo Sidii loo sii Wadilahaa Wadashaqeynta Wanaagsan ee ka Dhaxaysa Wasaaradda Deegaanka iyo Haayada UNDP.