Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbdedelka Cimilada, Mudane Maxamed Cabdillahi Ducaale, ayaa ka qaybgalay shir weyn-oo ka dhacay magaalada Kampala, ee dalka Yugaan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbdedelka Cimilada, Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cabdillahi Ducaale,
ayaa ka qaybgalay shir weyn-oo ka dhacay magaalada Kampala, ee dalka Yugaandha.
Shirkan oo si gaar ah loogu soo casuumay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ka soo qaybgalay in ka badan 30 Wadan oo ka tirsan Qaaradaha Afrika iyo Yurub.
Shirkaas oo magaciisa la yidhaahdo, : Kampala Geopolitics Conference ayaa lagaga hadlayey saameynta “ Indo-Pacific Theater” uu ku leeyahay Waddamada Geeska Africa,
gaar ahaan arrimaha deegaanka, siyaasadda iyo amniga.
Agaasimaha oo khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay sida ay Somaliland uga go'an tahay in ay doorkeeda ka qaato arrimaha Indo-Pacific
, isla markaana ku dheeraaday istaraatiijiyadda Somaliland, iyo sida aan looga maarmayn doorka muhiimka ah ee Somaliland ka ciyaari karto arrimaha Indo-Pacific-ga.
waxaanu si gaar ah uga sheekeeyey in Somaliland xil iska saartay ilaalinta iyo daryeelidda khayraadkeeda deegaan ee badda iyo berrigaba.