Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo Dhagax Dhigey Xaruntii Saddexad Ee Dhir Kobcinta Gobolka Sanaag

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Degaanka Iyo Horumarinta Reer miyiga Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi ayaa dhagax dhigay xaruntii Seddexaad ee Dhir kobcineed Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Xaruntan ayaa ka mid noqoneysa xarumo dhowr ah oo Wasaaadda Degaaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga  ka fulineyso Gobolada Dalka Sanadkan 2021ka kuwaas oo logu  talo galay Dhireynta Deegaanka, si looga hortago Xaalufka iyo Nabaadguurka loona helo Deegaan Cagaaran oo qurux badan dadka iyo duunyaba anfaca.