Agaasimaha Guud ee WD&IC ayaa Xafiiskiisa ku Qaabiley Ardeyda School-ka Pharo

Agaasimaha Guud Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale Ayaa Xafiiska ku qaabilay Arday ka socotay Pharo Schools gaar ahaan Ururka ECO Club oo ka shaqeeya Arimaha ilaalinta iyo Wacyigalinta Deegaanka,Isbedelka Cimilada, Nadaafada iyo Dhirbeerista, Wacygelin badana ka sameeya Goobaha Waxbarshada sida iskoolada pharo qaybihiisa kala duwan. 
ugu horeyn Agaasimaha Guud ayaa Arday warbixin ka siiyey Taariikhada Wasaaradda Qaybaha ay ka kooban tahay Wasaardda Deegaanku Waxyalaha ay ka qabatay Dhibaatooyinka haysta Deegaanka JSL.
Ardayda Ayaa Dhankooda Agaasimaha Waydiiyey suaalo quseeya waxyaalaha Wasaaraddu ka Qabatay xaalufka, dhibaatada qashinka, dhuxulaysiga Iyo Isbedelka Cimilada. 
 
Agaasimaha Guud ayaa Suaalahaasi uga jawaabay Ardayda dhanka kalena Agaasimaha Ayaa Arday ku Dhiirigeliyey inay sii wadaan Ilaalinta iyo daryeelka Deegaanka ee ay Iminkaba ka Shaqeeyaan Wasaaradda Deegaan kuna la shaqeyn doonto Schoolka iyo cidkasta oo ka Shaqeynaysa Ilaalinta Deegaanka Wasaaraduna garab taagantahay.
 
Ugu Danbeyna Agaasimaha Guud ayaa Ardayda u balanqaaday inay soo booqan doonaan Schoolka Pharo Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanku Si ay u dhiiri Geliyaan Ardaydan isku xilqaantay Ilaalinta Deegaanka Waddankooda.