Agaasimaha Guud iyo Wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu baxey wadanka Ethopia


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Maxamed Cabdillahi Ducaale iyo wefti uu hogaaminayo oo ka kooban,Shaqalaha Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda, 
shaqaalaha Wasaaradaha Qorshaynta, Shaqaalaha Wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Xanaada xoolaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Maaliyadda,iyo Hantidhawrka qaranka, ayaa safar shaqo ku tegey dalka aynu Jaarka nahay ee Ethopia.

Safarkaas oo isugu jira tababaro iyo kulamo la xidhiidha sidii wax looga baran lahaa habka ay dawladda Itoobiya u maamusho arrimaha la xidhiidha Khayraadka Dafiiciga ah , fayadhowka Deegaanka,Isbedelka Cimiladda ,
Wax soo saarka Beeraha iyo  Horumariinta Biyaha.