Agaasimahaa guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ayaa ka qayb galey daahfurka Siyaasadda Macdanta JSL

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Mohamed Abdilahi Duale ayaa Kalmad ka Jeediyey Madal Maalintii Shalay ahayd lagu daahfurey Siyaasada Macdanta JSL.
 
Agaasimaha ayaa qeexay xidhiidhka balaadhan ee ka dhaxeeya Labada Wasaaradood, taasi oo uu si gaar ah u xusay doorarka ay Wasaaradda Macdantu ka ciyaarto ilaalinta Deegaanka iyada oo raacaysa Habraaca Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL u dejisay in lagu ilaaliyo deegaanka marka dalka laga fulinayo Mashaariicda Horumarineed ee kaladuwan. 
 
Madasha ayaa sidoo kale waxa ka soo qeybgalay qaar kamid ah Masuuliyiin ka kala socday Wasaaraddaha iyo qeybaha kale ee Bulshada.