Aqoon-isweydaarsiga Diyaarinta Qorshaha Istaraatijiyada (2026–2030)

Waxaa lagu qabtay Hall-ka Shiraarka ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda  aqoon-isweydaarsi muhiim ah oo si qoto dheer loogu falanqeeyey Diyaarinta Qorshaha Istaraatijiyada ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada (2026–2030). Aqoon-isweydaarsigan ayaa ahaa mid u gogol-xaaraya qorshaha cusub ee shanta sano ee soo socota, kaas oo lagu hagi doono howlaha iyo mashaariicda deegaanka iyo cimilada ee dalka.

Furitaanka aqoon-isweydaarsiga waxaa si rasmi ah u qabtay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka CimiladaMudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire),Wasiirka  oo khudbad dhiirrigelin iyo hagid leh ka jeediyay madasha. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay:

  • In maskaxda la tuujiyo oo la isu keeno aqoon, waayo-aragnimo iyo fikrado hal-abuur leh.

  • In la soo saaro istaraatijiyad qurux badan, dhammaystiran oo wax-ku-ool ah, taas oo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee deegaanka iyo bulshada.

  • In qorshahan cusub uu noqdo hagoo rasmi ah oo Wasaaradda ka caawin doona in ay yeelato jihada cad ee shanta sano ee soo socota.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in istaraatijiyadan cusubi ay noqon doonto mid:

  • Ka jawaabaysa caqabadaha isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka deegaanka.

  • Xoojinaysa iskaashiga bulshada rayidka, hay’adaha dawliga ah iyo bahwadaagta caalamiga ah.

  • Ku dhisan aqoon, xog-ururin iyo casharro laga bartay qorshihii hore (2021–2025).
    550650174_1106303141625355_4501656156625670569_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600_tt6&_nc_cat=108&ccb=1-7&_nc_sid=833d8c&_nc_ohc=xUO2UulM8bYQ7kNvwG876hy&_nc_oc=AdmS0Nr_WjkY_9VmXS6AygX-oFFrRXPuKD96MvYQOYczUdAZVLj1WErsLCbM1mh2jIE&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent-mrs2-3.xx&_nc_gid=y50-_q1z4Z7-8iv6IHi5Gg&oh=00_AfbPyyD5j439Cf-tjTZZC0AaAG862MipA3TAvr5gXXJm3w&oe=68D9587D
    May be an image of 1 person, dais, newsroom and text that says 'MoECC Strategic Plan Developn (2026-2030 2030 nsultation Work witi istry Directors hnical Staff Dat SabTy ल Venuet Venue:MoECC MoECC'
    May be an image of 1 person and studying
    May be an image of 1 person and studying
    May be an image of 1 person, studying and text
    May be an image of 14 people, people studying, hospital and text