Casho sharaf loo sameyeey Chantal Richey oo ahayd madaxa mashaatiicda World Bank ka ee Somaliland

Wasiirada Wasaaraddaha Deegeenka Biyaha iyo Wasaaradda Xaanada xoolaha ayaa Xaflad sabootin ah Caawa ugu sameeyeen Magaalada Caasimada ah ee Hargeisa Chantal Richey oo ahayd madaxa mashriicda World Bank ee Somaliland Taageerada Siiya Siiba dhinacayada Deegaanka, Biyaha, Beeraha iyo xoolaha ee waddanka ka socda, World Bankuna wuxuu Shaqo wayne ka Qabtay Dhinayadaas isagoo Kaashanaaya Wasaaraddo kala Duwan.
 
  Wasaaradda Deegaanka waxay Chantal la shaqaynaysay 10 kii sanno ee u danbeeyay iyada oo si hawl karnimo iyo daacadnimo leh ula shaqaysay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL.
 
Dhamaan Masuuliyiinta Wasaaraddaha ay lasoo shaqeysay ayaa u Mahad celiyey Masuuliyada ay iskasaartay Mudadii ay la shaqeynaysa Somaliland.
 
Chantal Richey oo World Bank u Qaalbilsaneed Somaliland 10 Sano ka badan ayaa aad ugu Mahadcelisay Dhamaan Laamaha Dawlada ee ay mudadaa soo Wadashaqeeyeen Waxayna mahad gaar u celisay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka oo ay Sheegtay inay si weyne uga qaybqaatay Socoshada Mashaariicdan.