DAAHFURKA MASHRUUCA UGBAAD

Daahfurka Mashruuca UGBAAD
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire) ayaa daah furayey mashruuca UGBAAD oo ay maalgalisay Sanduuqa Cagaaran ee bixiya deeqaha lagu taageero isbeddelka cimilada ,
waxaana fulinaya Hay’adda FOA .
Mashruucan oo u jeedadiisu tahay sidii loo wax looga qaban lahaa u adkaysiga isbedalka "Cimilada ee dhanka beeraha iyo Deegaanka iyo sidoo kale dhiirigalinta beeralayda ee dhanka wax soo saarka iyo ilaalinta deegaanka ,
mashruucan ayaa mid baahi wayn loo qabay wax wayna ka taraya qorshaha la qabsiga isbdelka Cimilda iyo adkaysiga.
Mashruuca UGBAAD waxa uu ka fuli doonaa deegaanka Odwayne ee Gobalka Daad-madheedh kaas oo socon doona mudo 7 sano ah .