hadal jeedintiiAgaasimahaa Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Agaasimahaa kulan hawleedka ay wadatashida ay isugu yimadeen qaar ka mid ah wasaraddaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mohamed Abdilahi Duale ayaa Kalmad ka jeediyey Kulan-Hawleed Wadatashi oo ay iskugu yimaadeen qaar kamid ah Wasaaradaha Dawlada.
 
Kulan-hawleedka oo ujeedadiisu ahayd in wax la iska waydiiyo Caqabadaha ku gedaaman Waxsoosaarka iyo Fursadaha Shaqo ee Dalka ayaa waxa soo agaasintay Hay'adda Caalamiga ah ee Pharo Foundation.
 
Agaasimaha guud ayaa xusay Caqabadaha haysta Deegaanka kuwaas oo saameyn ku leh Waxsoosaarka iyo in la helo fursado shaqo oo dhallinyaradu ka faa'iideysato.
 
Ugu dambeyn Kulan Hawleedka oo ahaa mid muhiimadiisa leh waxa lagu go'aamiyey xoojinta wadashaqeynta dhinacyada ay arintu khuseyso iyo in la qaado talaabooyin wax ka taraya Horumarinta Waxsoosaarka, Ilaalinta Deegaanka iyo Kobcinta Dhaqaalaha iyo Shaqo Abuurka Dhallinyarada iyada oo Hay'ad waliba doorkeeda ka qaadan doonto wixii kaga aadan ee Masuuliyadeeda ah.