
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Iyo Jamacada Burco ayaa heshiis kala Sexeexdey
Heshiis ay Kala Saxeexdeen Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Iyo Jaamacada Burco.Waxa maanta oo ay bishu tahay 19-03-2025 Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Mudane Cabdulaahi Jaamac {Geeljire} lagu kala saxeexday heshiis is Afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Deegaanka iyo Jamacada Burco.
Heshiiskan ayaa dejinayaa qaab iskaashi oo u dhexeeya labada hay'adood si ay wadajir uga shaqeeyaan hindiseyaal kala duwan oo loogu talagalay, ilaalinta iyo horumarinta deegaanka, kheyraadka dabiiciga iyo Isbedelka Cimilada si joogto ah loona maareeyo, si xal looga gaadho Dhibaatooyinka Deegaanka Dalka.
Ujeedada ugu wayn ee hashiiska ayaa ah in layska kaashado sahaminta xalal cusub oo lagula dagaallamo Caqabadaha ka dhasha isbeddelka Cimilada iyo Xaalufka deegaanka.
Labada dhinacba waxay diiradda saari doonaan horumarinta xirfadaha, wax ka qabadka cimilada, iyo xoojinta Wacyigelinta bulshada, iyadoo la Aqoonsanyahay doorka muhiimka ah ee bulshooyinka maxalliga ah, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, ee horumarinta dalka.
Kulankan Dhanka Wasiirka Waxaa ku wehelinaayey Agaasimaha Guud iyo lataliyayaasha Wasaaradda Jaamacada Burcona Mauuliyiinta ka Socday Waxaa Hogaaminaayey
Prof. Ibraahim Cismaan ismaaciil Madaxweynaha Jaamacada Burco.