Kulan Aqoon isweydaarsi oo ay si wada jira u fureen Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda iyo Uruurka Solja

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta aqoon is waydaarsi hal maalin ah Magaalada Hargeysa uga furay 30 Xubnood oo ka kala socday Warbaahinta madaxa banaan ,Wargaysada iyo Saxafiyiin madaxa banaan. 
kaasi oo ku saabsanaa Doorka Warbaahinta ee ka Waramidda Isbedelka Cimilada iyo Fahamka Siyaasada Heer Qaran ee Isbedelka Cimilada. 
Ururka SOLJA waxa uu la wadaagay Aragtida Warbaahinta Somaliland isbedelka Cimilada iyo Khataraha dabiiciga ah ee ka dhalan kara. halka Wasaarada Deegaanku dhankeeda soo bandhigtay Siyaasada qaran ee isbedelka Cimilada.