Kulanka Sannadlaha ah ee Dib u eegiska iyo Qiimeynta Waxqabadkii Sannadkii Tagey 2022 iyo Qorsheynta Waxqabadka 2023.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Marwo Shukri X. Ismaaciil oo uu Wheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada, Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa Kulan Hawleed ku saabsan Kulanka Sannadlaha ah ee Dib u eegiska iyo Qiimeynta  Waxqabadkii Sannadkii Tagey 2022 iyo Qorsheynta  Waxqabadka 2023 u  furey   Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, iyo Qaybo ka mida Shaqaalaha Wasaaradda.

Kulan ayaa  laga wadahadlaayey Qorshaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda  ee Sanadka 2023 iyo Waxyaalaha Ugu Muhiimsan ee U qorshaysan Wasaaradda Sanadkani Waxaana Dib u eegis lagu sameeyey Waxyaalaha aan ka Fulan iyo qorshayaasha Hirgalay Sanadkii lasoo Dhaafay ee 2022.

Dhankoodana Agaasime Waaxeeda Wasaaradda Ayaa soo Bandhigay Waxyaalaha U Qorshaysan Sanadkani.
Kulankan Maanta lasoo Gabagabeeyey Ayaa laysku waydiiyey Suaalo Muhiim ah iyo Sida qorshaha Sanadka ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimiladda U hirgeli lahaa
Kulankana ayaa Kusoo Dhamaaday Isfahan iyo in laga Dhabeeyo qorshaha Sanadkan U qorshaysan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jsl.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Agaasimah Guud ee Wasaaradda ayaa Shaqaalaha kula dardaarmay in shirku midho-dhal u noqdo  isla markaana qorshe wanaagsan ee soo baxay la dardargaliyo. 
Kulanka ayaa waxaa soo xidhey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyaddo si weyn ugu mahadcelisey Agaasimahaa Guud iyo Dhamaan Shaqaalihii ka qayb galey Shirkaas sido kale ku dardarantey in la muujiyo waxqabadka.