Maalintii Labaad ee shirka Madasha Qaran ee Garanwaaga oo lagu qabtey Geed-deeble

Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL iyo Hay'adda WHH ayaa Maanta qaar kamid ah Ka soo qeybgalayaashii Madasha Qaran ee Geedka Garanwaaga Somaliland Qado-sharaf ugu sameeyey Beerta Hido-dhireedka Geed Deeble (Geed Deeble Botanic Garden) taasi oo ay gacanta ku hayso Hay'adda Wadaniga ah ee BVO -Barwaaqo Voluntary Organisation.
 
Intii lagu sugnaa beerta waxa martida xog laga siiyey qaabka loo maareeyo Garanwaaga beerta dhexdeeda ka baxay, Beerta iyo qeybaheeda kaladuwan, qaababka looga shaqeeyo joojinta Ciida iyo Caradda xayndaabka beerta ku jira iyo Adeegyada ay Beerta Hido-dhireedka Geed Deeble qabato ama loogu talogalay.
 
Ugu dambeyn waxa halkaasi Mahadnaq ka jeediyey qaar kamid ah Marti-sharafta , iyada oo sidoo kale su, aalo iyo talooyin badanba halkaasi la isku waydaarsaday.