03.03.2021 Caynaba,
Agaasimuhu Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa Saaka  dhagaxdhigay Xarun lagu kobcin doono dhirta kala duwan ee isugu jirata ( Calafka xoolaha, Midhaha, Hadhka iyo Quruxdaba) oo uu yeelan doono Gobolka Saraar.
"Waxaan uga mahadnaqayaa Hay'adda Save the Children International oo naga caawisay hirgelinta Xaruntaa iyo laba Xarumood oo kale oo aanu Maalmaha soo socda ka dhagaxdhigi doono, Ceel-afwayn iyo Shurko oo hoos tagta Degmada Ceeri-gaabo"
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ayaa sidan yidhi.