Munaasabada Xilwareejinta labada Agaasime guud ee wasaaraadaha Deegaanka iyo arrimaha dabadda oo qabsoontay.

Munaasabada Xilwareejinta labada Agaasime guud ee wasaaraadaha Deegaanka iyo arrimaha dabadda oo ka qabsoontay Hotel Mango ee magaalda hargeysa. halkaas oo xilka loogu kala wareejiyay Mudane Cabdi naasir Axmed Xirsi, Agaasimaha cusub ee wasaraada deegaanka iyo Dr. Cabdi Risaaq Jaamac Nuur, Agaasimaha cusub ee wasaraada arrimaha dibedda.

waxa xaflada ka soo qayb galay shaqaale waynaha labada wasaaradood, sidoo kalena, xildhibaano, lataliyaal madaxwayne, gudoomiye ku xigeenka Commission-ka maamul wanagaa, wasriiro ku xigeenada arrimaha debadda iyo horumarinta caafimaadka, wasiirka Distoorka iyo wasiirka wasaarada horemarinta deeganka iyo reer miiga, Marwo shukri Ismaaciil (baandare) oo munaasabada soo xidhay, una ducaysay labada agaasime in ilahay xilka ku asturo.