Nuxurkii hadal jeedinta agaasimahaa guud ee Shirkii ilaalinta Duurjoogta ee jigjiga ka qabsoomey

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane: Maxamed Cabdillaahi Ducaale ayaa khudbad dheer ka jeediyey Shirka balaadhan oo ka qabsoomay Magaalada Jijgjiga ee Dalka Itoobiya, oo lagaga hadlayo ilaalinta duurjooga geeska Afrika, gaar ahaan sidii looga hortegi lahaa dhoofinta sharci darrada ah ee Harimacadka.
Agaasimaha Ducaale, ayaa ku dheeraday doorka firfricoon ee Jamhuuriyada Somaliland ay ka qaadatay ka hortegida dhoofinta sharci darrada ee Harimacadka iyo Ugaadha kaleba. Agaasimaha ayaa ka waramay inay Somaliland tahay wadamada kooban ee Qaarada Afrika ee leh xarumo lagu xanaaneeyo Harimacadka, iyadoo in ka badan 100 Harimacad ay ku xaneeneyaan Xarunta Geed Deeeble, ee Magaalada Hargeysa.
 
Shirkan oo ay soo qaban qaabisey Jaaamacada Colorado State University ee Dalka Mareykanka, waxa ka soo qaybgaley dhamaan wadamada Bariga Afrika, iyo weliba khuburo badan oo socda wadamada reer galbeedka.
 
Shirkan ayaa socon doonaa afarta cisho ee soo socda.