Shir ku saabsan iswaafajinka siyaasadaha iyo xeraarka Deegaanka oo Hargeysa ka qabsoomey

 

10-12-2020, Hargeysa, Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga ayaa shir hal maalin ah ku qabatey Hotelka maansoor  shirkaas oo lagu gorfeynaayey si  siyaasad iyo qorshe cad looga yeelan lahaa maamuulka Deegaanka iyo khayraadka dabiciga ah, isla markaasna laysku waafijinlahaa Siyaasadaha iyo xeerarka gaar ah ee ku shaqeyaan Wasaaddahaa iyo Hay’addahaa Dawlada ee  ku shaqadda leh khayraadka dabiciga.

shirkaas waxaa ka qayb galey Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidaadka,Wasaaradda Xannanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga, Wasaaradda Qorsheynta, Agasimaha Waaxda Qorsheynta ee Hay’adda u diyaargarowgaa afooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinkaa iyo sarakiil ka socotey Hay’adda UNDP.

Dhamaan masuuliyiintaasi waxaa la isku raacay in ay muhiim tahay  isku xirnaanta hay'adaha dowladda ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka , waxayna ku celceliyeen sida ay dowladda uga go'antahay wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo xaalufka ku  deegaanka.