Shirka Dib u Eegista Qorshihii Sannadkii 2020 iyo Falaqaynta Qorshayaashaha Sannadka Cusub 2021.


Hargeysa 07/01/2021, Hall-ka shiraarka ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga waxaa maanta ka qabsoomey shir dib loogu egaayeey qorshayaashii sannadkii 2020 laguna falaqaynayeey qorshayaasha sannadka cusub 2021, shirkaas waxaa si rasmi ah u furey Agaasimaha Guud iyo Wasiir Wasaaradda, iyaddo ay  goobjoog ahaa dhamaan shaqaale weynahaa Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Inta uu shirkani socdey waxaa diirada lagu saaray warbixinta waxqabadka waaxaha kala duwan ee wasaaradda oo ay soo bandhigeen agaasime-waaxeedyadda wasaaradda, waxaa sida oo kale lagu lafagurey qorshaha sanadka 2021 oo xooga lagu saaray sidii loo tayeyn lahaa shaqada wasaaraddu qaranka u hayso.