Daahfurka Siyaasadda Qaran ee Isbedelka Cimilada

Sida ay dhigayso Digreetada Madaxweyne ee soo baxday 7 dii Bishii November 2023, Ujeedadeeduna ahayd Faafinta Siyaasada Qaran ee Isbedelka Cimilada JSL.
 
Iyadoo Halkaasi laga duulayo, waxa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL soo agaasintay Munaasibad lagu daahfurayey Siyaasada Qaran ee Isbedelka Cimilada Somaliland.
 
Madasha Munaasibada waxa ka soo qeybgalay Wasiiradda Wasaaradaha Beeraha, Biyaha, Dastuurka, Agaasimaha Qorsheynta, Safiirka Taiwan ee Somaliland, Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland, Gudoomiyaha Akadeemiga Nabada iyo Horumarka, Gudoomiye Kuxigeenka Jaamacada Admas, Hay'ado kaladuwan, Dhallinyarada u Dhaqdhaqaaqa Arimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Daneeyeyaal kaladuwan oo ka socday qeybaha kaladuwan ee Bulshada.