Shirka Wadatashiga Isbedelka Cimilada Somaliland.

Madaxweyne ku Xigeen JSL Mudane Cabdirahman Cabdilahi Ismaciil ( Saylici) ayaa Furay Shirka Qaran ee Wadatashiga Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa Sheegay in la arkaayo Camiladda ka mida ah Isbedelka Cimilo ee ka jira Wadanka Sida Abaaraha Soo noqnoqnaaya Daad xoogan iyo Weliba dhibaatooyin faro badan oo ay sababeen isbedelka Cimilo.
Madaxweyne ku xigeenka Qaranka ayaa Sheegay in loo baahanyahay in si wadajira looga Shaqeeyo Dhibaatada ka iman karta Isbedelka Cimilo ee Dalkeena.
Sido  kale, shirka waxaa kasoo qayb galey hayadaha caalamiga,kumo maxali ah iyo dhamaan daneeyaasha Deegaanka iyo jamacadaha dalka,halka maalmahaa soo socda lagu soo saari doono qorshe lagaga hortagayo isbdalka cimiladda.