Shirka Wadagayaashaa Deegaanka oo ka qabsoomey Hotel Maansoor

Maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Juun 2025, waxaa magaalada Hargeysa si rasmi ah uga qabsoomay Shirkii Wada-tashiga Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada,
kaas oo la qabto afartii biloodba mar, ujeeddadiisuna tahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa daneeyayaasha arrimaha deegaanka iyo cimilada.

Shirka waxaa si rasmi ah furay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, kaas oo khudbad dhiirigelin leh ka jeediyey madasha, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo in si wadajir ah looga hortago saameynta isbedelka cimilada.

Shirka waxaa kasoo qeybgalay:

Wakiillo ka socday dhammaan wada-hawlgalayaasha deegaanka, Khubaro iyo aqoonyahanno ka kala socday jaamacadaha dalka,, Ururrada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka Hay’adaha qaran iyo kuwa caalami ah ee daneeya arrimaha cimilada


Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday:

Saameynta isbedelka cimilada ee ka jira dalka iyo sida wax looga qaban karo

Kaalinta bulshada, jaamacadaha iyo hay’adaha dowliga ah ee ilaalinta deegaanka

Baahida loo qabo kobcinta wacyiga dadweynaha iyo xoojinta shuruucda ilaalinta deegaanka

La socodka iyo qiimeynta qorshayaal horey loo dejiyey iyo dib u habeyntooda


Waxaa si wadajir ah layskula qaatey:-

In la  dardargeliyo fulinta qorshayaasha qaran ee la Xidhiidha deegaanka iyo isbedelka cimilada
La abuuro hannaan joogto ah oo xog-wadaag iyo wada-tashi ah oo dhexmara daneeyayaasha
Kor loo qaado aqoonta bulshada iyo dhalinyarada si ay door muuqda uga qaataan ilaalinta deegaanka.