Kulan Wacyin Gelineed Oo Ku Saabsan Ilaalinta Duur Joogta Oo Lagu Qabtey Goboladda Dalka iyo Degmoyinka JSL oo lasoo Gabagabeyeey.

23-12-2020, Hargeysa,  Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga  oo  kulan wacyigalineed  ku qabatey Qaar ka mid ah Gobollada Dalka sida Togdheer, Saaxil, Sool, Awdal,Sanaag,  iyo Saraar, kulankaas oo  ku saabsanaa wacyigalinta illalinta  Duur-joogta, waxaana  kasoo qayb galay qaar ka mid ah isuduwayashaa laamahaa dawlada ee  Gobollada ay wacyigalintu ka socoto u joogo Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Gudoomiyayaal iyo Guddomiyo ku xigeeno iyo dhamaan bulsho weynta Gobolladaas.

Sido kale , dhamaan Gaobollada ay wacyigalintu ka socoto waxaa  loo qaybiyeey xeerka ILLAALINTA KAYMAHA IYO DUURJOOGTA.