Siminaar lagaga tashanayeey Maareynta Geedka Garanwaaga.

Wasiir Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo uu wahelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka ayaa Maanta furey Kulan Hawleedka Wadatashiga Maareynta Geedka Garanwaaga,
oo aafo badan ku hayaa wadankeena soomaaliland Kulan Hawleedkan oo socon doona mudo 6 maalmood ah ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasaaradaha iyo Hay'adaha Bah-wadaagta la ah Wasaaradda Deegaanka,
Agaasime Waaxeedyo, isuduwayaasha Gobolada iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda.

Geedka garanwaagu waa geed dhib badan ku hayaa wadanka Somaliland,
Haddaba waa Maxay Geedka Garanwaagu?
Garanwaagu waa geed meel dhexaad ah oo baxa joog le’eg ilaa 12 mitir. Waxa uu yeesha jirrido badan oo ma yeesho hal jirrid oo dhumuc leh,
waa geed xiddado dheer oo meel hoosene biyaha ka doonta. Geedkan oo dhaqso u baxa ayaa meesha ka saarey cawskii iyo geed gaabkii kaleba,
sido kale waxaa u keena biyo yaraan,  meelaha qaar ee dalka waxaa lagu arki karaa kaymo u gaar noqday geedkan.

 

Dhibaatadda Geedka Garanwaaga

1. Waa geed dhakhso ugu fida dhulka, meeshana ka saara geedihii manfac laha ee dadiiciga ahaa.
2. malaha jirrid weyn oo laga dhigto qori dismeed, walow haddi lagu dadaalo in laga shido Dhuxul uu noqonaayo dhuxul, si u hoos ugu dhaco  lagu hayeey wadanka.
3.Manfac uma laha xoolaha iyo xayawaanka kale oo ma cunaan caleentiisa quruxda badan. Inkasta oo geydhahiisa cunaan hadana waxa la ogyahay inuu caloosha iskaga maro, riyahana suus ilkaha kaga reebo.
4.Waxuu yareeyaa dhul daaqsimeedka oo uu u diidaa doog iyo caleenba.
5. Waxa uu tirtira nolosha nooc nooca ah (biodiversity variation) isaga oo meesha ka saara geedihii kala jaad jaadka ahaa iyo xaywaankii ku tiirsanaaba.