Wafti ka socda EU Cap oo kulan la yeeshey Madaxda Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Marwo Shurki Xaaji Ismaciil oo uu weheliyo Agaasimaha Wasaarada Mudane,
Maxamed Cabdilahi Ducaale iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Wefti ka socda Xafiiska Midawga Yurub
ee loo yaqaan EUCAP oo uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska EUCAP ee Somaliland Mr. Brendan kenny.

Kulanka waxa lagaga wadahadlay sidii loo bilaabi lahaa Siyaasada deegaanka Badda JSL, looga heli lahaa Deegaan amni ah oo Duurjoogtu si nabad ah ugu noolaan karto
iyo isbedelka cimiladda, iminkaa aduunyadu xooga saareyso

Kulanka oo ahaa kii saddexaad ayaa ku soo dhamaaday is fahan wanaagsan iyo in shaqada la bilaabo.