wafti ka socdey Congress-ka Dalka Mareykanka Ayaa booqdey Xarunta Xannanada Harimcadka ee JSL

Shalay ay taariikhdu ahayd 13/12/2021 ,waxaa Booqday Xarunta Xanaaneynta Harimacadka ee magalaada Hargeisa ,taas oo ay si wada jira Gacanta ugu hayaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Haayada CCF(Cheetah Conservation Fund).
Waxaa soo dhaweeyey weftigan Wasiirka Deegaanka ,Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaaradda Deegaan iyo isbedelka cimilada.
Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka Marwo Shukri x. Ismaciil ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay weftigan kusoo dhaweeyaan Dalka Somaliland.
Waxa kale oo ay sheegtay in Somaliland diyaar u tahay soona Dhawaynayaan cidkasta oo Somaliland xidhiidh la sameyneysa.
Dhankooda weftigan ka socda Maraykan ayaa sheegay sida ay ku faraxsan yihiin in ay yimaadaan Somaliland ,Somaliland Kala shaqeyn doonaa Deegaanka ,Arimaha Duurjoogta iyo mashaariic kale oo kala duwan oo ay kala shaqeyn doonan Dawlada Somaliland .
Weftiga ka socday Dawlada Maraykanka gaar ahaan Xubno ka mida Gudida Arimaha Debada Baarlamanka Maraykanka ,waxaana ka mid ahaa weftigan.
Elizabeth Lewis (Sen. Risch)
Donna Charles (House Foreign Affairs Committee)
Piero Tozzi (Rep. Chris Smith)
Cole Rojewski ( Rep. Kay Granger)
Scott Graber (Sen. Lindsay Graham)
Chris del Beccara (Rep. Michael McCaul, Ranking Member House Foreign.
Weftigan ayaa sidoo kale ka qayb gelin Dhagax dhiga Xarunta xanaaneynta Duurjoogta ee Geed-deeble oo todobaadkan la dhagax Dhigi doono laguna Xanaaneyn doono Harimacadka .