Wafti uu hogaminayeey wasiirka Deegaanka iyo isbedelka cimiladda oo kulan la qaatey Shirkadda DPWorld

Waftigii ay hogaaminaysay Wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil(Baandare) ee goob-jooga ka ah Shirka Isbadelka Cimiladda Adduunka ee ka socda magaalada Dubia ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta oo maalmihii ugu dambeeyey kulamo la qaadanayey wufuudaha ka socota caalamka ee ku sugan Shirka COP28 ayaa maanta ka qayb-galay kulan ay soo qaban-qaabisay Shirkada DP World, kaas oo lagaga hadlayey sidii loo horumarin lahaa ganacsiga Somaliland. 
 
Kulankaasi oo ahaa mid heerkiisu sareeyo waxa ka soo qayb-galay dalal iyo shirkado maalgashi oo danaynaya Somaliland, waxaana intii uu socday lagu soo bandhigay maal-galinta ay shirkada DP World ka hirgalisay Somaliland , gaar ahaana balaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera, dhismaha wadada Berbera Corridor iyo mashaariicaha kale ee shirkadaasi ka fulisay Somaliland. 
 
Wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa ka warantay fursadaha maal-gashi ee ka banaan Somaliland, iyadoo xustay in Somaliland tahay dal dihin oo u diyaara in la maal-gashado, kaas oo ay u dhamaystiran yihiin dhammaan shuruucdii lagu hagayey maal-gashiga. 
 
Kulankaasi waxa kale oo goob-joog ka ahaa Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, Maayirka Magaalada Bebera, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda iyo xubno kale. 
 
Sidoo kale waftiga Wasiirku ay hogaaminayso waxa ay Bookhdeen Fekadda Jebel Ali, taas oo ay u kuur-galeen qaabka ay u shaqayso.