Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Hay’adda Ilaalinta Harimacadka ee CCF ayaa si wada jir ah u daahfuray labo mashruuc oo wax ka taraya joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Hay’adda Ilaalinta Harimacadka ee CCF ayaa si wada jir ah u daahfuray labo mashruuc oo wax ka taraya joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.
Labada mashruuc oo kala ahaa FWS iyo LICIT2, waxa xadhig-ka-jarkooda ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Mudane Maxamed Cabdillaahi Ducaale,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Axmedyaasiin Muxumed Xasan, Safiirka Taywan ee Soomaalilaan Ambassador Allen Lou,
qaar ka mid ah hay’adaha ay xidhiidhka leeyihiin Wasaaradda iyo qayb ka mid ah shaqaale weynaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.