Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Gobolka Gabiley ayaa Qeybinaysa 6,000 (Lix Kun oo Geed)

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Gobolka Gabiley ayaa Qeybinaysa 6,000 (Lix Kun oo Geed) kaasi oo ay ugu talogashay in laga Beero Magaalada Gabiley, Degmooyinka iyo Tuulooyinka kale ee Gobolka.

Wasaaraddu waxa ay Muwaadiniinta ku guubaabinaysaa in ay ka qeyb-qaataan Cagaarinta iyo Beerista Gobolka Gabiley.

Qoys kasta oo u baahan in ay Dhir ka beeraan Guryahooda waxa ay ka doonaan karaan Xafiiska Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Gabiley.