Wasaaradda Deegaanka oo soo qabanqabisey Shirka madasha qaran ee Geedka Garanwaaga

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL
 waxa ay soo qabanqaabisay Madasha Qaran ee Geedka Garanwaaga ah, taasi oo Maanta ka qabsoontay Hotel Ambassador, Hargeysa.

Shirka waxaa furey Agaasimahaa Guud ee Wasaaradda isago oo si qoto dheer uga hadley khasaarahaa ito faidada u leeyahay Geedka garanwaagu.
 
Madashan waxa isugu yimid daneeyeyaal kala duwan oo iskugu jira khubaro ku xeeldheer arimaha Deegaanka, Beeraha, Biyaha, Xoolaha, Dhaqaalaha iyo Dhinacyo badan oo kale kuwaasi oo si balaadhan u naaqishay dhibaatooyinka Deegaanka, Bulsho, Dhaqaale ee geedkan iyo Xalalka waara ee lagu maareyn karo, looga faaiideysan karo isla markaana lagu xakemeyn karo fiditaankiisa Geedka Garanwaaga.
Shirka waxaa u socon doona muddo labo maalmood ah.