Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda oo Kulan la Yeeshey Agaasime Waxeedyadda Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mud Cabdilaahi jaamac cismaan ( Geel-jire ) oo uu weheliyo wasiirku xigeenka wasaaradda
 mud Dr mohamed Awdaahir iyo ayaa kulan la yeeshaya agaasime waaxeed-yada kala duwan ee wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada,

Kulankan Isbarashada ah oo uu goob-joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Jamac Nakhuude.
Intii uu Shirku socdey waxa dhinacyadii kala duwanaa si fiican isula falanqeeyeen hab Sami u socodka shaqada iyo sii loo dardar galin lahaa shaqada wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda.