Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSl oo ka qayb gashey Shirka caalamiga ah ee Isbedelka Caalamiga ah COP28

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ku sugan Shirka Isbadelka Cimiladda Adduunka ee ka socda magaalada Dubia ayaa maanta ka qayb-gashay mid ka mid ah doodaha shirkaasi oo lagaga hadlayey tamarta.
Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa ka warantay guulaha ay Somaliland ka gaadhay adeegsiga tamaraha waara oo ay xustay in Somaliland ay 16.2% isticmaasho tamaraha la saaxiibka ah ee deegaanka ,iyadoo xukumadu cashuur dhaaf u samaysay shirkadaha soo dajiya gaasta cuntada lagu karsado si dadka loogu dhiiri-galiyo ayey tidhi isticmaalkeeda. Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay in Somaliland ay qani ku tahay tamarta waarta ayna soo dhawaynayaan cid kasta oo danaynaysa in ay maalgashi ku samayso tamarahaasi, waxa kale oo wasiirku ka warantay caqabadaha ka jira deegaanka Somaliland, waxa laga qabtay iyo qorshahooda musqalka. 
Geesta kale Wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland oo uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Wasaaradda waxa ay kulamo la qaadatay masuul ka socday xafiiska maal-galinta ee dawladda Ingiriiska, waxa kulankaasi wasiirka ku wehelinayey Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta.