Wasiirka Deeganka iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Hay'adda DRC oo Heshiis Wada Saxeexdey

30.01.2021 Hargeysa . Waxaa Maanta Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga lugu qabtay Shir lala yeeshey Hay’adda DRC Shirkaas oo ay heshiis ku kala Sexeexdeen Wasaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Hay’adda DRC.

Heshiiskaa oo ku saabsana Ilaalinta Deegaanka iyo Horumarinta Nolosha Reer Miyiga, Sido kale waxaa Shirka lagu falanqeyeey sidii labadda dhinacba wada shaqayn fiican u wada yeelan lahayeen.

Shirkaas Waxaa gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga waxaana ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga , Sarkaal ka Socdey hay’adda DRC , iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi Degan, ayadoo ay labada dhinacba ay ku ballameen wada shaqeyn Wanaagsan .