Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda oo kulan la qaatay masuuliyiin ka socda hay'adda UNDP

Maanta, waxa ka qabsoomay xafiiska Wasaaradda kulan dhex maray Wasiirka wasaaradda Deegaanka Marwo. Shukri X. Ismaaciil baandare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Mudane. CabdiNasir Axmed Xirsi iyo madaxa Xafiiska UNDP ee Somaliland, Marwo. Samira Xasan oo uu whelinaayay Wakiilka xafiiska Barnaamajka Horumarinta ee Qaramada midoobay Mudane. Jocelyn Mason. Cabdi Abokor Yuusuf oo ah sarkaal sare xafiiski UNDP Somaliland ayaa isna shirka ku wehelinaayay madaxda UNDP.shirkan oo daaranaa sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac loona dardar-galinlahaa hawlaha ay ka wada shaqeeyaan