
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa ka qayb galay shir caalami ah oo aqoon is weydaarsi ah oo ay u qabatay Jamacadda OCL London, UK
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa ka qayb galay shir caalami ah oo aqoon is weydaarsi ah oo ay u qabatay Jamacadda OCL London, UK dadyowga ku nool Geeska Afrika oo ku saabsanaa adeegsiga cilmiga lagaga bixi lahaa biyo yaraanta.Wasiirka oo dalka Uk u yimi hawl kala duwan oo siyaasi iyo bulshaba isugu jira. Ayaa bulshada reer Somaliland si balaadhan u soo dhoweysay.
Wasiirku waxa maanta shir muhiim ah oo is xogwaraysi ah oo qaatay saacado la yeeshay Safiirka Somaliland u fadhiya UK iyo shaqaalaha safaaradda.
Shirkaas waxa la isku weydaarsaday xogo iyo farriimo muhiim ah.
Wasiirku wuxuu sii wadan doona socdaalkiisa uu dalka UK ku joogo isagoo la kulmi doona qaybaha bulshada Somaliland ee dalka ku nool, jaamacado iyo hay’ado rasmi ah oo dawladda Uk ka tirsan.
Warar aanu socdaalka Wasiirka ka helnay ayaa tilmaamaya inuu kala qayb geli doono bulshada reer Somaliland dabbaaldegga iyo damaashaadka maalinta qaran ee 18 May.