Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Md. Cabdillahi Jamac Cisman ( Geeljire)iyo wefti uu hogaaminayay oo ayaamahanba safar shaqo u joogay dalka UK gaar ahaan caasimadda London ayaa la kulmay Wasiirka Cimilada ee dhiggiisa ah Mrs. Kerry McCarthy.
Kulankaas oo ka dhacay xafiiska Wasiirka ee aqalka Baarlamaanka dalka UK ee Westminister waxa ku wehelinayay koox khubaro ah oo ka kala socday wasaaradaha dalkaa ee xidhiidhka shaqo la leh dalka Somaliland.
Wasiir Geeljire wuxuu warbaahinta u sheegay inuu kulankaa kagala hadlay Wasiir McCarthy xaaladda horumar ee dalka JSL guud ahaan ee ay ku talaabaatay xukuumadda cusub ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi(Cirro)iyo xaaladda isbedelka Cimilada iyo waxyeelada ay ku keentay nolosha dadka Reer Somaliland iyo sidii laysaga kaashan lahaa wax ka qabadkooda.
Arrintaas oo Wasiir McCarthy ay aad ugu bogtay maangalna ugu qaadatay soo jeedintii weftiga Somaliand waxay gudbisay kooxda khubarada ah ee shirka fadhiyay iyadoo fartay inay jawaabta ku habboon ee wax ka qabadka isku soo dubba ridaan sida ugu dhaqsaha badan.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee JSL Md. Cabdilahi J. Osman Geeljire wuxuu Wasiirka UK ee dhiggiisa ah gacanta ka geliyay farriin qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha JSL oo ku socotay Raiisal Wasaaraha dalka UK Mr. Keir Starmer oo ka hadlay arrimo badan oo khuseeya xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal.
Wasiir Geeljire wuxuu sii wadan doonaa kulamada u qorshaysan ee uu la leeyahay madaxda dalka UK iyo bulshada reer Somaliland ee degan dalkaa.