Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire) ayaa Furay Seeraha Libaaxley ee Gobolka Awdal.

Boorama: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire) ayaa si rasmiya u furay Seeraha Buurta libaaxlay ee Gobolka Awdal Waxaan loo Furay Xoolaha Si ay ugu baxsadaan Wakhtigan adag ee Abaarta.
Dadka Deegaanka ayaa Soo Dhoweeyey uguna mahad Celiyey Wasiirka Hawshan iyo Sida Wasaaraada Deegaanku ula Shaqeyso Xoola Dhaqatada Iyo Dedaalkeeda ilaalinta Dhul-daaqsimeedka.