Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shukri X. Ismacil ayaa Maanta Xafiiskeeda ku Qaabishay Wafti Heer sare ah oo ka socda Hay’ada ActionAid.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shukri X. Ismacil ayaa Maanta Xafiiskeeda ku Qaabishay Wafti Heer sare ah oo ka socda Hay’ada ActionAid.
Wasiirka iyo Waftiga ayaa ka Wada hadlay sidii loo xoojin laha wada shaqaynta labada Dhinac Waxaana lagaga Wadahadlay Kulankan Sidii layska Kaashan lahaa,
waxna looga qaban lahaa Dhibaatada isbedelka cimilada, maadama aduunka u iminka la daala dhacaayo dhibatadda u aduunka ku hayo isbadalka cimiladu .
sido kale waxaa si guud ahaan looga hadley dhibaatooyinka  deegaanka Somaliland, sida Xaalufka ba'an ee lagu hayo wadanka,iyo dhibatooyinka kale oo lagu hayo deegaanka iyo ugaadhsiga sharci daradda ah 
Shirkaas oo ku soo dhamaday jawi Wanaagsan.