Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Baaq Deg-deg ah u Diray Bulshada ka Dib Markii Dab Xoogan ka Kacay Buuraleyda Daalo
Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland, Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa si wadajir ah uga hadlay dab xoogan oo saacadihii u damb eeyay ka kacay Buuraleyda Daalo ee gobolka Sanaag.
Dabka ka kacay Buuraleyda Daalo wuxuu khatar weyn ku yahay deegaanka, geedaha, iyo noolaha kale ee deegaanka ku tiirsan. iyaddo Xili horeba ay ka qayb gashey Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada daminta Dabka ayuu yidhi wasiirku , sido kale Wasiir Geeljire Waxuu baaq u direy shacabka deegaanka inay si firfircoon uga qaybqaataan daminta dabka.
Dhankiisa, Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa xusay in ciidamada ammaanka iyo gurmadka degdegga ah la faray inay si dhaqso leh uga hawlgalaan aagga uu dabku ka kacay, isla markaana la diyaariyey qorsheyaal gurmad oo la jaanqaadaya xaaladda jirta.
“Waxaan shacabka, gaar ahaan Degmooyinka iyo Gobolada Togdheer iyo Saaxil, ugu baaqayaa inay qayb libaax ka qaataan daminta dabkan. Waxaan sidoo kale la shaqaynaynaa maamulka gobolka iyo hay’adaha badbaadada si loo xakameeyo fiditaanka dabka,” ayuu yiri Wasiir Dowlaha.
Wasiiradu waxay ugu dambayn ugu baaqayaan dhammaan hay’adaha maxalliga ah, ururrada deegaanka, iyo kuwa caalamiga ah inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladdan, si loo yareeyo khasaaraha suurtagalka ah.