Xuska Maalinta Deegaanka Aduunka 05 jun

 
 
Hargeysa: Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka oo Si Horre Loo Soo Mariyey
 
Taariikh: 4 June 2025
 
Magaalada Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah loogu xusay Maalinta Deegaanka Adduunka oo ku beegan 5-ta June, iyadoo xuska sannadkan la soo hor mariyey.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, ayaa hal-ku-dhegga sannadkan waxa uu ahaa: "Soo Afjarista Cagga" – taasoo diiradda lagu saarayay sidii loo joojin lahaa baabi’inta loogana hor tagi lahaa xadgudubka deegaanka.
 
Waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somaliland, hay’adaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka, ururrada daneeya deegaanka, maamulka iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa – gaar ahaan kuwa ka tirsan kuliyadda deegaanka.
 
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la isugu baaqay in  la xoojiyoo wacyigelinta bulshada iyado ka qayb galayaan  dhammaan daneeyeyaasha iyo Dadweynuhuba si loo badbaadiyo Deegaanka.
 
Mas’uuliyiinta hadallada ka jeediyey madasha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah, lana joojiyo falalka wax u dhimaya deegaanka sida jarista geedaha, wasakheynta hawada iyo biyaha, iyo xadgudubka duurjoogta.