Xuska Maalinta Deegaanka Aduunka ee 5Jun


Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda JSL ayaa buurta Libaaxley ee Gobolka Awdal maanta ku qabatay xuska maalinta deegaanka adduunka 05-June.
Buurtan oo ka mid ah dhul-kaymeedyada ay gacanta ku hayso Wasaaradda Deegaanka Somaliland ee shaqada balaadhan laga qabtay.
ayaa ujeedada munaasibadan loogu qabtay ahayd sidii bulshada Somaliland loo tusi lahaa tusaale nool oo ku saabsan dib u soo celinta dhulka xaalufay,
maadaama oo halku-dhega sannadkan ee xuska maalinta deegaanka adduunka uu ahaa dib u soo celinta dhulka, xaalufka iyo la qabsiga abaaraha.
Munaasibadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay waxa ka qayb-galay Wasiiro xukumada ka tirsan, qaar ka mid ah bulshada deegaanka Gargooray, mudan iyo masuuliyiin kale.
Dhammaan dadkii halkaasi ka hadlay waxa ay ka warameen muhiimada deegaanku u leeyahay bini-aadamka iyo sida ay waajibka u tahay ilaalintiisu.
Dhanka kale wax ay wasaaradda deegaanka ku bogaadiyeen shaqada wanaagsan ee bilicdii buurtan dib loogu soo celiyey.