Xuska Maalinta Dhir Beerista Qaranka 15April

15 April Maalinta Dhirbeerista Qaranka JSL
Ha Baadbaado Dhulkeenuye dhirta aynu ku Beerno (Hal ku Dhega Sanadka.)
Xarunta Dhir kobcinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Hargeisa waxaa Saaka lagu qabtay Munaasibada Dhir beerista Qaranka Oo ku Beegan 15 April Waxayna ku Beegantay maalin Jimce ah waxaana la xusay maanta oo Sabti ah oo ku Beegan 16 April.
Waxaana kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Marwo Shukri x. Ismacil  ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Agaasime waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Agaasimaha Guud ayaa Shacabka iyo Cidkasta oo Dhirtaasi soo Gaadho ugu Baaqay ilaaliyaan iyo Beerana.
Guud ahaan Gobolada dalka ayaa iyagana lagu qabnaayo Munaasibado loogu talo galay maalinta dhirbeerista Qaranka iyadoona Dhirtan Guud ahaanba laga Bixin Doono xarumaha Kala Duwan ee Dhir kobcinta Wasaaradda Ee Gobolada dalka oo Dhan
Waxaana Dhirta la Bixin Doonaa marka Roobku da'o insha allah.