
Kulanka Istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda (2026–2030), kaas oo diiradda lagu saaray iswaafajinta ujeeddooyinka daneeyayaasha iyo hay’adaha kala duwan.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL (WD&IC) ayaa maanta qabatay Kulanka Qaran ee Wadatashiga Mudnaanta iyo Tiirarka Istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda (2026–2030), kaas oo diiradda lagu saaray iswaafajinta ujeeddooyinka daneeyayaasha iyo hay’adaha kala duwan.
Shirka waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan, oo jeediyay khudbad muhiim ah oo ku saabsan jihada istaraatiijiyadeed iyo mudnaanta mustaqbalka.
Sida oo kale, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Awdaahir, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka, wada-shaqeynta daneeyayaasha, iyo doorka ay hay’aduhu ku leeyihiin horumarka waara.
Kulanka waxa ka soo qayb galay wakiillo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay (UN), hay’adaha caalamiga ah (INGOs), hay’adaha maxalliga ah (LNGOs), shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo khubaro kala duwan, kuwaas oo si firfircoon uga qayb qaatay wada-tashiga iyo soo-jeedinta aragtiyo wax-ku-ool ah.


