
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Marwo Samsam Maxamed Saalax, yaa maanta xafiiska ku qaabishay wafti ka socda Jaamacadda Czech ee Prague
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ahna Ku-simaha Wasiirka, Marwo Samsam Maxamed Saalax, oo uu wehelinayo Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badda iyo Lataliyaha Waaxda, ayaa maanta xafiiska ku qaabishay wafti ka socda Jaamacadda Czech ee Prague, kaas oo uu hoggaaminayay Borofaysar MVDr. David Modrý, oo ah hormuudka Kulliyadda Cilmiga Beeraha, Cuntada iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd wada-tashi ku saabsan cilmi-baaris laga samaynayo diin-baddeedka (Sea Turtles), oo ah nooc xayawaan baddeed sii dabar-go’aya, iyo sidii loo xoojin lahaa ilaalinta deegaanka badda.
Kulankani wuxuu lahaa muhiimad weyn oo dhinaca tacliinta iyo istaraatiijiyadda ah, maadaama uu taageerayo iskaashi caalami ah, horumarinta cilmi-baarista, iyo ilaalinta kala-duwanaanshaha noolaha badda.
Ugu dambayn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad wanaagsan iyo wada-shaqayn dhex marta Wasaaradda iyo Jaamacadda, waxaana la isla qaatay in la sii ambaqaado kulamo dambe iyo iskaashi mustaqbalka a




