Wasiir Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Cabdillahi Jamac Cisman (Geeljire) oo kahadley Shirkii ka qabsoomey Davos.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo ka mid ahaa weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland ee ka qayb galay Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) ee ka dhacay Davos, ayaa wareysi uu siiyay Sahan TV kaga hadlay ujeeddada iyo natiijada ka soo baxday ka-qaybgalka shirkaas.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in weftiga Somaliland aanay u tegin shirka iyagoo raadinaya kaalmo ama gargaar (gacan-hoorsi), balse ay u tageen iyagoo wata aragti siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ku dhisan iskaashi, wax-wada-qabsi iyo fursado wadajir ah. Taas macnaheedu waa in Somaliland ay doonayso in ay la macaamisho dunida si la mid ah dalalka kale.
Sidoo kale, Wasiir Geeljire wuxuu xusay in masuuliyiintii caalamiga ahaa, ganacsatada, iyo hay’adihii ay kula kulmeen shirka Davos ay si weyn ugu farxeen fikradaha, qorshayaasha horumarineed, iyo istaraatiijiyadaha ay Somaliland soo bandhigtay.
