Xuska Maalinta Deegaanka Aduunka 5JUN oo lagu qabtey Deegaanka Geed deeble.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku qabatay munaasibadda xuska Maalinta Deegaanka Adduunka Seeraha Dawladda ee Hiddo-dhireedka Geed-deeble.
Hal-ku-dhegga xuska sannadkan ayaa ahaa: “Wax-ka-qabashada Isbeddelka Cimilada: Dardargelinta Dib-u-soo-celinta Dhulka, Dadaallada Cagaarinta iyo U Adkaysiga Isbeddelka Cimilada.”
Munaasibaddan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL, waxaana ka soo qaybgalay Xubno Ka Tirsan Golaha wasiiradda , agaasimayaal, taliyayaal ciidan, bahwadaagta deegaanka iyo daneeyayaal kale.
Masuuliyiintii ka hadlay munaasibadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka, dib-u-soo-celinta dhulka iyo xoojinta dadaallada lagu yaraynayo saamaynta isbeddelka cimilada. Sidoo kale, waxay bulshada ugu baaqeen inay si firfircoon uga qayb qaataan ilaalinta deegaanka, beerista dhirta iyo kor u qaadista dadaallada cagaarinta si loo helo deegaan waara oo caafimaad qaba.