Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa soo xidhay aqoon iswaydaarsi ku saabsan Barmaamijka (PROSCAL)

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa soo xidhay aqoon iswaydaarsi ku saabsan Barmaamijka (PROSCAL) kaas oo 4tii sano ee lasoo dhaafay ka socday Waddanka waxaana lagu yareenaayey isticmaalka Dhuxusha waxaan iskakaashaday Wasaaradda Deegaanka iyo Haayada UNPD iyadddo ay xarashka ka caawiney Ururka Midowga yurub
Waxaana ka faaiideystay Dad Danyar ah oo ku Dhaqan Guud Ahaan Gobolada somliland oo dhan kuwaas oo Dhaqaale ka helay Barmaamijkan la yidhaahdo Proscol.
Sida aqoon iswaydaarsanigan iyo weliba Xogo hore loo soo Ururiyey Sheegeen in bulsho badani kaga guureen Isticmaalka dhuxusha
Waxaan laysla qaatay in lasii wado hawshan iyadoo ay qaybna ka noqonayaa Wacyigelin ay sameyn doonaan Shirkadaha Waddanka keena Gaasta wax lagu karsado iyo Daneeyaasha Deegaanka oo Kaashanaayaa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cilmilada JSL.